Isbadalada Dugsiga ee Cimilada La xiriira
Dugsiga mararka qaar waxaa loo baahanayaa in la joojiyo ama dib loo dhigo ayada oo ay saba u yihiin cimilada iyo xaaladaha wadidda gawaarida oo xumaata. Labada maalmood ee cimiladu ugu xuntahay sannad kasta, dugsiga waa la joojiyaa. Maalin kasta oo cimiladu xuntahay oo ka danbaysa labada maalmood ee koowaad waa Maalin si Onleen ah wax loo baranayo(E-Learning Day), ayada oo ardaydu wax baranayaan ayaka oo guriga jooga. Ma jirin wax joojin dugsi ah sannad dugsiyeedka 2022-23
Macluumaadka Ku saabsan Isbadalada ku yimid Jadwalka Dugsiga
Hadii go’aanka lagu gaaro in wax laga badalo jadwalka dugsiga, waxaa macluumaad marka koowaad la iskula wadaagayaa District196.org iyo websaytyada dugsiyada, iyo sidoo kale Twitter (@ISD196Schools) iyo Facebook (@District196); degmada ayada oo la adeegsanayo wicitaan teleefoonka ah iyo iimayl lagula xiriirayo waalidiinta, mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha, fariin qoraal ah (kaliya waxaa loo dirayaa waalidiinnta doorta fariin qoraaleedka ayaka oo qoraal ahaan “Y” u diraya 67587 hubinayana); in fariin ahaan loogu kaydiyay khadka macluumaadka degmada ee 651-423-7700, iyo xarumaha telefishinada maxaliga ah (ka raadi “Rosemount-Apple Valley-Eagan Public Schools”).
Haddii go'aanku yahay in dugsiga lagu qabto sidii loo qorsheeyay, ma jiro wax war ah oo ka socda degmada.
Isbadalada Dugsiga ee Cimilada La xiriira
Go'aannada lagu beddelayo jadwalka dugsiga cimilada qabowga daran ah awgeed waxaa la gaaraa 6:30 fiidnimo habeen kahor. Dugsiyada Degmada 196 ayaau joojin doona dugsiga cimilada oo qabow darteed HADDII saadaasha Adeegga Cimilada Qaranku ee 6 -da aroornimo subaxnimada soo socota ay ku baaqdo:
• Heerkulka hawada oo -25 digrii Fahrenheit ah ama ka qabow, AMA
• Qabowga dabaysha -35 digrii Fahrenheit ama ka qabow.
Dhaawacyada qabowgu jirka u gaysto ayaa ku imaan kara muddo ka yar 10 daqiiqo inta lagu jiro heerkuladaan qabow ee khatarta badan. Haddii dugsiga loo joojiyo cimilada oo qabow darteed, barnaamijka SAC waxaa lagu bixinayaa goobo horay loo cayimay, ayada oo KALIYA la siinayo qoysaska hadda ka diiwaangashan SAC.
Go’aanada ku Salaysan Badqabka iyo Qodobada Badan
Hoggaamiyeyaasha degmadu waxay fahamsan yihiin in go’aamadaanu saamayn ku yeelanayaan qoysas fara badan oo u baahan in ay samaystaan isdiyaarin gaar ah marka dugsigu uusan furnayn. Tabashada muhiimka ah ee samaynta go’aanadaan lagu salayeeyay waa badqabka ardayda, shaqaalaha iyo dadka kale ee bulshada katirsan. Qodobada laga fakaray waxaa kamid ah xaaladaha waddooyinka, awoodda aragtida, heerka barafka, qabowga dabaysha, saadaasha inta ka hartay maalinta iyo talaabooyinka degmooyinka kale ee aageenna ku yaala. Guud ahaan, haddii waddooyinku yihiin kuwo la mari karo lana rumaysan yahay in basasku awood u yeelan doonaan dhammaystirka safarkoodda ayada oo dib udhac yar kaliya ku imaanayo, dugsigu waa uu soconayaa.
Kormeeraha guud ayaa go’aamdaan qaadanaya asaga oo ku salaynaya waxa u roon dhammaan caruurta degmada. Haddii waalidiintu ka walaacsan yihiin in ay caruurtooda dugsiyada usoo diraan ayada oo ay sabab u yihiin xaaladaha cimiladu, markasta ayaka ayaa iska leh go’aanka ku saabsan in ay caruurtooda guriga ku haystaan.
Maalmaha Barashada Onleenka ah
Sharciga Minnesota wuxuu u oggolaanayaa degmooyinka dugsiyada inay haystaan illaa shan maalmood oo Internet-waxbarasho sanad dugsiyeedkiiba si ay ugu oggolaadaan ardayda inay ku sii wataan waxbarashadooda guriga markii xaaladaha cimilada ay ka dhigto mid aan amaan ahayn in dugsiga la aado qof ahaan. Degmada 196, maalmaha barashada-internetka ayaa la qabtaa haddii ay jiraan wax kabadan laba mar oo la joojiyay dugsiga ee sannad dugsiyeed ah; saddexaad ilaa toddobaad maalmaha cimilada xun, haddii loo baahdo, waxay noqon doontaa maalmaha elektaroonigga ah. Any students not scheduled to have school that day do not participate in the E-Learning Day/ Arday kasta oo aan loo qorsheenin inuu haysto iskuul maalintaas kama qeybqaadan karo maalinta barashada- elektaroonigga.