Maadaama uu sii wado safmareenka COVID-19 si degdegsan wax uga beddelka, qorshahan wax la cusboonaysiin doonaa si ay uga muuqato isbeddelka hab-maamuuska, hagidda iyo/ama rabitaanada.
Qorshaheena hawlgalka COVID-19 wuxu jirid ku leeyahay istraatiijiyadda kahortagga oo kusalaysan faafitaanka bulshada, qaadashada tallaalka, tirakoobka dadka halista u ah iyo qaadashada tallaabooyinka yaryanta. Waa muhiim in la xasuusto in Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga cudurada (CDC) ayaa ku adag tahay tirada tallaalna oo lagu daray yaraynta faafitaanka bulshada baahida daboolka wejiga iyo tabaha kale ee kahortagga.
CDC waxa kale tilmaantay daboolka wejiga inuu yahay tab shaqeeysa oo yarayn karta waqtiga qofku uu ku jirayo karantiil ama is, oo saamayn karta qaabka faafitaanka
CDC iyo Waaxda Caafimaadka Dadweynaha (MDH) wadajir ahaan, waxan si xooggan u soojeedinaynaa dadku inay istallaaln marka ay uqalmaan. Wixii macluumaad dheeraad ah ee a laxirrira tallaalada iyo jadwalaynta ballan, 1 booqo websaydka MDH 1. Waxan si xooggan u soojeedinaynaa qoysaska iyo ardaydu inay si joogto ah isku baaraan. Raadi goobta baarista kuugu dhow adoo booqanaya websaydhka MDH.
Qorshahan ayaa loo cusbooneysiiyaa, sida loogu baahdo, wuxuuna raacayaa dhammaan amarrada fulinta ee khuseeya, iyo hagista iyo heerarka hadda ee Minnesota Department of Health (MDH), Minnesota Department of Education (MDE), the Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada (CDC), iyo Occupational Safety and Health Administration ee fadaraalka (OSHA). Haddii aad su'aalo ka qabtid qorshaha, la xiriir maamulahaaga ama iskuduwaha barnaamijka.
Dhammaan shaqaalaha iyo ardayda raba inay qof ahaan uga qaybgalaan waxa SI XOOGGAN LOOGU SOOJEEDINAYAA inay iska baaraan si joogto ah COVID-19. 1 Dibueegista Soojeedimaha MDH Baaritaanka COVID-19 1 si looga caawiyo go’aaminta goorta/haddii aad u baahato is-baaris. Raadi goobta baarista kuugu dhow adoo booqanaya websaydhka MDH.
Astaamo qabo
Qof kasta ay ka muuqato astaamaha COVID-19 waa inuu raaco geedka go'aanka kor ku xusan, waxaana si xoog leh LAGULA TALINAYAA inaad is-baarto. Tixraax jidadka kowaad iyo labaad geedka go’aanka si aad u go’aansato habka ficil ee ugu habboon.
Astaamaha COVID-19 waxa ka mida: qandho, qufac, neef qabatin, qarqaryo, madax-xanuun, muruq xanuun, cune xanuun, cabudh iyo san doofle, ama lumitaanka dhadhanka iyo urta. Astaamaha kale ee aan badnayn waxa ka mida astaamo calool majiir sida lalabo, matag, ama shuban.
Si kastaba ha noqotee, haddii qofku uu qabo cudurka COVID-19 asagoo lagu xaqiijiyay shaybaarka 90-kii maalmood ee la soo dhaafay uuna qabo astaamo u dhigma COVID-19, dib-isku-baaris laguma talinayo. Qofku waa inuu raacaa geedka go’aanka ee kore oo uu ku ekaadaa guriga ilaa astaamuhu ka soo hagaagayaan oo ay ka noqnayaan qandho la’aan 24 saac. Walaalaha iyo xubnaha kale ee qoyska waa sii wadi karaan inay qof ahaan u tagaan dugsiga iyo waxqabadyada.
Haddii arday ku yeesho astaamo dugsiga dhexdiisa, dugsiga ayaa ogeysiin doona waalid/wakiilka ardayga in ay qaadaan oo ardayga WAXA LAGA RABAA inuu xirto maaskaro inta uu sugayo Haddii ardaygu aan la awoodi in la qaado, waxa laga RABAA inuu xirto maaskaro inta uu joogo dugsiga iyo tabaha kale ee yaraynaya in uu fuliyo.
Baarista laga helay cudurka COVID-19
Haddii qof laga helo COVID-19 oo uu yeesho calaamadaha waxa LAGA RABAA inuu joogo guriga oo istakooro ugu yaraan 10 maalmood laga bilaabo waqtiga astaamaha bilaabmeen ilaa astaamuhu roonaanayaa, IYO inay qandho la’aan ahaadaan 24-saac iyaga oo aan adeegsan dawada qandhada. Oo dhammaan qoysaska waxa laga rabaa in usoo sheegaan carruurta leh natiijada togan sartooda. Sarta waxa laga rabaa inay usoo weriyaan baaritaanada leh COVID-19 MDH iyaga oo marainaya portalka RedCap.
Haddii laga helo COVID-19 oo aanu lahayn astaamo waxa LAGA RABAA inay guriga joogaan 10 maalmood laga bilaabo maalinta laga helay. Xubnaha bulshada waxa lagu dhiirigelinayaa inay laxiriiraan dadka ay u maleeyaan inay isla xiriireen kuwa laga helay cudurka. Oo dhammaan qoysaska waxa laga rabaa in usoo sheegaan carruurta leh natiijada togan sartooda.
Tabaha kale ee yaraynta waxa lagu higelin karaaqaaday lagu qeexo. fasalka qofka
Haddii arday ku yeesho COVID-19 saacadaha dugsiga dhexdiisa, maamulka ayaa ogeysiin doona waalid/wakiilka ardayga in ay qaadaan oo ardayga WAXA LAGA RABAA inuu xirto maaskaro inta uu sugayo Haddii ardaygu aan la awoodi in la qaado, waxa laga RABAA inuu xirto maaskaro inta uu joogo dugsiga iyo tabaha kale ee yaraynaya in uu fuliyo.
Xiriirtan Dhow
Ardayda waxa laga reebi karaa xiriirtanka dhow haddii ay si sax ah u xirnaayeen maaskaro si fiican u le’eg markay ku dhawaayeen qofka buka OO la adeegsaday tabaha kahortagga (sida naacow, nadiifin iyo jeermis kadilis, qabka neefsiga iyo fayodhawr) la adeegsaday. Qof kasta WAXA SI XOOGGAN LOOGU JEEDINAYAA inuu isbaaro si joogto ah.
Ardayda si buuxda u tallaalan ee loo qeexay inay ahaayeen xiriirtan dhow qof qaba (dugsiga dhexdiisa ama kale) uma baahna inay guriga joogaan ama la takooro laakiin SI XOOGAN LOOGU JEEDINAYAA inay isbaaraan saddex ilaa shan maalmood u feydsanaanta. Xirrirtanka dhow waxa SI XOOGAN LOOGU JEEDINAYAA inay xirtaan maaskaro gudaha meelaha dadweynaha ilaa 14 maalmood marka ufeydsanaantu dhacday ilaa baaritaan lagaga waayayo.
Ardayda aan si buuxda u tallaalnayn ee loo qeexay xiriitaan dhow qof qaba xanuunka waxa SI XOOGGAN LOOGU JEEDINAYAA inay isbaaraan oo guriga joogaan muddo 10 maalmood ah haddii aan la baarin. Waxa SI XOOGAN LOOGU JEEDINAYAA inay guriga joogaan toddoba maalmood haddii inta udhaxaysa maalinta shan iyo toddoba lagaga waayey baaritaan. Haddii qof ah xiriirtan dhow yeesho astaamo, waxa SI XOOGAN LOOGU JEEDINAYA inay istakooraan oo isbaaraan. Hase ahaatee, MDH waxay ku adag tahay karantiil 14-maalmood ah inuu yahay sida ugu ammaansan dadka ufeydamay COVID-19.
Qof kasta waxa lagu dhiirigelinayaa inay laxiriiraan dadka ay u maleeyaan inay isla xiriireen kuwa laga helay cudurka. Oo dhammaan qoysaska waxa laga rabaa in usoo sheegaan carruurta leh natiijada togan sartooda.
Ogeysiis
Kaqeybgalayaasha barnaamijka/fasalka iyo qoysaskooda waxaa lagu wargalin doonaa kiis qof qaba cudurka markii la helo iyadoo wadata warqad ogeysiis guud ah marka kiiska la soo gudbiyo. Degmada 196 Boodhkeeda qoraalka COVID-19 waxa keliya la cusboonaysiinayaa macluumaad laxiriira Degmada Dakota, oo ay ka mid tahay heerarka iyo kiisaska.
Oo dhammaan qoysaska waxa laga rabaa in usoo sheegaan carruurta leh natiijada togan sartooda.
Weji Xirka
hagitaanka hadda ee ka yimid CDC iyo MDH labadaba (laga bilaabo Julay 28, 2021) SI XOOGAN WAXAY UGU SOOJEEDINAYAAN wxayaabaha soosocda dusgiyada K ilaa 12.
Maaskaro in lagu xirto gudaha dhamman dadka (da’da 2 iyo kaweyn), eegis la’aan heerka tallaalka.
Weji daboolista waa lagu xiran karaa dibedda qof kasta aan haysan tallaal buuxa, gaar ahaan jiidaha loo cayimay inay leeyihhin heerar sare ama xooga sarreeya ee faafitaanka, meelaha buuqa ah, ama waxqabadyada leh isku-dhawaansho dad kale oo aan haysan tallaal buuxa.
Jiidaha sare ee leh kiisas ka badan 30 qof 100,00 toddobaadkii.
Jiidaha sare ee leh 50 kiis 100,00 toddobaadkii
Hadda heerka Degmada Dakota wxay ku taalla boodhka qoriska ee degmada.
Maaskarooyinka caafimaad ah loo doortay iyo qalabka neefsashada.
Kala fogaansho bulsheed
Kala fogaanshaha bulshada (sidoo kale loo yaqaan kala fogaanshaha jirka) waxaa loola jeedaa inuu idiin dhaxayso masaafo adiga iyo dadka kale ee ka baxsan qoyskaaga. Kala fogaanshaha bulshada ayaa ah aalad muhiim u ah yareynta faafitaanka COVID-19. CDC waxay SI XOOGGAN USOO JEEDINAYSAA dugsiyada inay ku dhaqmaan kala fogaansha 3 cagood ardayda fasalka dhexdiisa. Marka aanay suurtagal ahayn in la isku jirsado 3 cagood ugu yaraan, waxa adeegsan karnaa tabaha kale ee yaraynta. Dhammaan dadka ku jira dhismaha iyo gaadiidka degmada waa inay ku dadaalaan inta ugu badan ee suurtogalka ah sidii ay u kala fogaan lahaayeen iyaga iyo dadka kale.
Calaamadaha dhulka waxaa lagu dhejin doonaa albaabbada laga soo galo dhismaha, xisaabiyeyaasha adeegga iyo dugsiga oo dhan si loo muujiyo halka ay tahay inay dadku istaagaan oo ay siiyaan jihada socodka iyo kala fogaanshaha bulshada.
Calaamado ayaa lagu dhajinayaa dhammaan dhismayaasha degmada iyagoo kor u qaadaya caafimaadka iyo nabadgelyada.
Nadaafada iyo Dhaqamada Wax Nadiifinta
Dhaqamada nadaafada saxda ah sida gacmo dhaqashada joogtada ah iyadoo la adeegsanayo saabuun iyo biyo, nadiifinta gacmaha iyadoo la adeegsanayo gacmo nadiifiyaha iyo jeermis ka dilista sagxadaha ayaa laga hirgelin doonaa laguna bari doonaa dhammaan dugsiyada.
Agabyo ku habboon oo lagu taageerayo dhaqamada nadaafadda caafimaadka qaba (tusaale, saabuun, gacmo nadiifiye, tuwaal warqad ah, jeermis dile) ayaa la heli doonaa oo istiraatiijiyad ahaan la dhigayaa meelaha laga yaabo in/badanaa loo isticmaalo.
Dugsiyadu waxay u samayn doonaan jadwalka joogtada ah nadaafadda gacmaha maalinlaha ee dugsiga dhammaan ardayda iyo shaqaalaha, oo ay ku jiraan gacmo-dhaqashada iyo nasashada nadaafadda inta lagu jiro ama inta u dhexeysa howlaha fasalka.
Nadiifin iyo jeermis kadilis joogto ah meelaha wax lagu barto iyo baabuurta waa la sii wadi, oo waa la nadiifin doonaa si joogto ah iyada oo la isticmaalayo waxlaxaha nadiifinta ee la oggol yahay ee lidka ku ah fayraska COVID-19.
Adeegyada Cuntada & Nafaqada
Dhammaan cuntooyinka inta lagu jiro sannad dugsiyeedka 2021-22 oo dhan waa bilaash, iyadoon loo eegin u-qalmitaanka, dhammaan ardayda Degmada 196 ee da'doodu tahay 18 iyo wixii ka yar. Waaxda Beeraha. Waaxda Adeegyada Cuntada iyo Nafaqada ee Degmada 196 waxay raaci doontaa dhaqammo waafaqsan MDH, MDE iyo tilmaamaha caafimaadka iyo badbaadada ee CDC.
Gaadiidka
Dhammaan ardayda iyo shaqaalaha raaca baabuurta iyo basaska Degmada 196 waxa LAGA RABAA in ay xirtaan maaskaro 1 sida CDC 1 2 amarka federaalka 2.
Ardayda hal qoys ka imaaday waxaa lagu dhiirigelinayaa inay isla fadhiistaan.
Daaqadaha iyo meelaha laga furi karo saqafka ayaa la furi doonaa ilaa inta ay saamaxayso cimilada si loo kordhiyo qulqulka iyo wareegga hawada.
Basaska ayaa si joogto ah loo nadiifin doonaa jeermiskana waa laga dili doonaa iyadoo la isticmaalayo alaabada jeermiska dila ee ay ansixisay Hay'adda Ilaalinta Deegaanka (EPA) si loogu isticmaalo inay wax ku ool u noqoto hortagga SARS-CoV-2, oo ah fayraska sababa COVID-19. Nadiifintu waxay diiradda saari doontaa meelaha baabuurta ee si joogto ah loo taabto.
Albaabada iyo daaqadaha ayaa furnaan doona marka la nadiifinayo gaariga iyo inta u dhexeysa safarada si gawaarida hawada uga baxdo.
Teknolojiyada iyo Helitaanka Internetka
Arday kastoo dhigta K-12 + wuxuu haystaa iPad ay degmadu leedahay. Degmadu waxay caawin doontaa qoysaska u baahan inay helaan internetka. Taageero farsamo ayaa la siiyaa ardayda iyo qoysaska.
Zoom, Schoology iyo Seesaw waa aaladaha loo isticmaalo in laysku xiro ardayda iyo macalimiinta.
Hot spots (Khad-internet gacanta ah) ayaa loo heli karaa ardayda aan haysan internet lagu kalsoonaan karo. Si toos ah ula xiriir dugsigaaga si aad u soo gudbiso codsi ku saabsan hotspot lacag la'aan ah.
Fasallada iyo waxqabadyada ka baxsan waqtiga dugsiga
Kaqeybgalinta, kobcinta iyo dhiirigelinta fursadaha ardayda inta lagu gudajiro saacadaha aan ahayn xilliga dugsiga ayaa qeyb muhiim ka ah wareeg waxbarashoo dhamaystiran. Sidaa darteed:
Barnaamiyada kooxda iyo qalabka muusigga waxa ammaan badan yihiin marka dibedda lagu sameeyo.
Markay gudaha tahay, ha la siiyo kala durusgsanaan u dhaxaysa kaqaybgalayaasha.
Qalabka ilaalinta shakhsi ahaaneed, oo ay ku jiraan seeriga, miirayaasha HEPA ee meelaha wax lagu barto, iyo nadaafadaha iyo nadiifinta alaabada, ayaa la heli doonaa.
Ciyaaraha iyo waxqabadyada
Ardaydu way awoodaan inay kaqeybqaataan isboortiga iyo waxqabadyada sida ku cad tilmaamaha ay dejiyeen Minnesota State High School League (Horyaalka Dugsiga Sare ee Gobolka Minnesota) iyo Minnesota Department of Health (Waaxda Caafimaadka ee Minnesota).
Adeegsiga Xarunta
Xarumaha degmada ayaa loo heli karaa adeegsiga bulshada iyadoo loo eegayo tilmaamaha ay soo saartay Minnesota Department of Health (Waaxda Caafimaadka Minnesota).
Caafimaad Dhimirka and Fayoqabka
Cudurka safmarka ah ee COVID-19 wuxuu u keenayaa culeys aad u badan, cabsi iyo walwal dad badan. Waa wax caadi ah inaad la kulanto dareenadan hadda. Waana muhiim inaad u jilicsanaato naftaada iyo dadka kaleba, oo aad qaaddo tallaabooyin aad ku taageerto naftaada iyo tan qoyskaagaba ee xagga dhimirka. U isticmaal Virtual Calming Room (Qolka Dejinta Dareenada) degmada fursadaha dhimirka. Shaqaalaha dugsigaaga ayaa diyaar u ah inay kugu hagaan ilo aad heli karto oo dheeri ah, lagana heli karo degmada iyo bulshada dhexdeeda labaduba.
Agabaka baaritaanka guriga ee degdegga ah ee COVID-19 waxa Waaxda Caafimaadka Minnesota (MDH) ay ku siinaysaa ardayda lacag la’aan.
Agabaka baaritaanka guriga ee degdegga ah ee COVID-19 waxa Waaxda Caafimaadka Minnesota (MDH) ay ku siinaysaa ardayda lacag la’aan. Gudaha labada toddobaad ee ina xiga, dugsiyadu waxay bilaabayaan inay u soo diraan agabyadaas baaritaanka (laba baaritaan sanduuqa kasta) arday kasta.
Waxaad ka heli doontaa maamulaha dugsiga ogeysiis laxiriira maalinta guriga loo soo dirayo baaritaanadaas iyo tilmaamaha sida loo isticmaalayo baaritaanadaas.
Fadlan ogow: Tijaabada ay bixiso Waaxda Caafimaadka ee Minnesota waxay u baahan tahay qalab elegtaroonig ah oo leh marin internet, tilmaamuhuna waxa lagu bixiyaa Ingiriis oo keliya. Haddii aadan haysan qalab internet leh ama aad u baahan tahay imtixaan leh tilmaamo af Soomaali ah, fadlan kala xidhiidh dugsigaaga nooc kale oo imtixaan ah.
MDH iyo Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurada (CDC) waxay soojeedinayaan in baaritaanka joogtada ah uu ka caawin karo qeexidda kiisaska cusub iyo cidda ay la xiriireen waqti hore, taas oo caawin karta kahortagga faafitaanka fasalka iyo bulshada dhexdeeda. Baaritaanku wuxu ka taageeraa dugsiyada bixinta jawi caafimaad oo lagu barto. Tixgeli baaritaanka ilmahaaga kahor socdaalka, kadib isu-imaatinka dad kale ama dabayaaqada fasaxa jiilaalka. Kooxda COVID-19 waxay ku dhiirigelinayaan qoysaska inay iyana tixgeliyaan isticmaalista mid ahaan labada baaritaan ee la bixinayo maalmaha ka horreeya kusoo noqoshada dugsiga ee Janaayo 3. Wixi ikhtiyaaro dheeraad ah ee baaritaano ah, dibu fiiri agabka baarista ee goobaha baaritaanka ee gobolka ama laxiriir daryeel caafimaad bixiyahaaga.
Qoysaska leh ilmo leh calaamadaha COVID-19 waa inay la xiriiraan kalkaalisada dugsigooda si ay ballan u qabsadaan. Shaqaalaha Dakota Child and Family Clinic ayaa qaadi doona imtixaanada taariikhda ballanta.
Tijaabadu waxay ku sii socotaa inay si bilaash ah u helaan dhammaan reer Minnesota. Hel macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan tijaabada iyo si aad u hesho goobta ugu dhow ee imtixaanka, Booqo Hel Goobaha Imtixaanka bogga ku yaal mareegta gobolka.
Waxyaabaha Go'aaminta Furaha u ah
Seddex arrimood oo muhiim ah ayaa hagta geedi socodkeena go'aan gaarista marka aan go'aamineyno qaabka waxbarasho ee ugu habboon Degmada 196: hagitaanka ka imanaya gobolka iyo saraakiisha deegaanka; caafimaadka iyo badbaadada bulshadeena; iyo qiimaha shaqaalaheena.
1. HAGAHA GOBOLA & DEEGAANKA
Degmo ahaan, waxaan ku tiirsannahay hagista lagu bixiyay Qorshaha Barashada Badbaadada Ee Minnesota iyo Waaxda Caafimaadka Dadweynaha ee Degmada Dakota iyo waaxaha waxbarashada iyo caafimaadka ee gobolka.