Desktop Schools Popup

Select a School

Tignoolojiyadda

Internet Bilaash ah-Qiimo jaban

Ma u baahantahay in lagaa caawiyo in gurigaagu internet helo? 

Barnaamijka Xiriirinta Qiimaha jaban (Affordable Connectivity Program) waa qayb kamid ah kaalmooyinkii loogu tala galay bulshada kuwoodii ugu danbeeyay ee uu meelmariyay Baarmalaamku (Congress) si qoysaska baahida qaba looga caawiyo in ay helaan adeeg internet. Waxaa jira dhowr shuruudood oo ku xiran in aad xaq u yeelato barnaamijkaan waxaana kamid ah u qalmidda in aad ka qaybqaadato  Barnaamijka Dheefaha Waxbarashada (sida caadiga ah loo yaqaano barnaamijka Cuntooyinka Bilaashka ah iyo kuwa Qiimaha jaban.)

Barnaamijkaanu wuxuu bixinayaa $30/bishii si loogu daboolo kharashka adeegga internetka guriga. Hoos waxaad ka helaysaa macluumaadka kaa caawinaya in aad go’aan ka gaarto in barnaamijkaanu ku anfacayo iyo in kale. Haddii aad ogaato in aadan xaq uyeelanayn barnaamijkaan aadna u baahato kaalmada ah in aad gurigaaga internet u hesho si canuggaaga(caruurtaada) ay ugu suurogasho in ay dhammaystiraan shaqadooda dugsiga, fadlan la xiriir dugsiga canuggaaga.

Wax badan ka Ogow

                                                          

 CODSO BARNAAMIJKA XIRIIRINTA QUIMAHA JABAN