Adopted: June 1980
Revised: July 2023
Download 505.2.4.3P - Somali Denial of Release of Directory and Yearbook Information
Dugsiga degmada ayaa macluumaadka ku saabsan ilmahaaga u magacawday "macluumaad hagaha." Tan macnaheedu waxa weeyi macluumaadka waa la daabici karaa ama waxa loosii dayn karaa dadwaynaha. Sidoo kale, waxoogaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan ardayda dugsiga sare ayaa lagu heli karaa ciidanka iyo goobaha waxbarashada sare. Haddii aad doonayso inaad ogaato xadka siidaynta macluumaadkan, waa inaad buuxisaa foomkan.
TILMAAMAHA: Foomkan waa in uu buuxiyaa waalidka ama masuulka ama ardayga qaangaadhka ah (18 sano jir ama ka weyn), haddii waalidka ama masuulka, ama ardayga qaangaadhka ah, uu rabo inuu diido sii deynta qaar ama dhammaan macluumaadka. Waxaa jira laba qaybood oo foomkan ah. Qaybta hore waxay la xidhiidhaa macluumaadka hagaha guud. Qeybta labaad waxay la xidhiidhaa sii deynta macluumaadka qaarkood ee ciidamada iyo machadyada waxbarashada sare.
Diidmada Siideynta MACLUUMAADKA HAGAHA
Iyadoo la raacayo Ogeysiiska Guud ee Degmada iyo Macluumaadka Buug Sannadeedka (Nidaamka 505.3.2P, Ogeysiiska Dadweynaha - Hagaha iyo Macluumaadka Buugga Sannadeedka), macluumaadka buuggan soo socda lama daabici karo ama lama sii deyn karo oggolaansho qoraal ah la'aanteed.
Hubi qayb kasta oo ka mid ah macluumaadka hagaha ee hoos ku taxan oo aanad doonayn in la daabaco ama la sii daayo.
¨ *Magaca ardayga
¨ Taariikhda iyo goobta dhalashada
¨ Qaybaha waxbarashada ugu muhiimsan
¨ Ka qaybqaadashada yo shaqada howlaha iyo cayaaraha dugsiga sida rasmiga ah loo aqoonsan yahay
¨ Miisaanka iyo dheerarka xubnaha kooxaha cayaaraha
¨ Taariikhda ka qaybgalka
¨ Marxaladda isqorista
¨ *Ciwaanka iimaylka degmadu u samaysay
¨ Heerka fasalka
¨ Digriiyada, shahaado sharafeedyada, dibloomooyinka iyo abaalmarinada la helay
¨ Lambar sharafeedka
¨ Dugsiga uu dhigto
¨ Hay’addii ama xaruntii waxbarasho ee ugu danbaysay ee uu dhiganayay
¨ Sawiraanta iyo bandhigyada kale ee maqalka iyo muuqaalka ah ee loogu tala galay daabacadaha dugsigu oggolyahay, buugaagta sannadka, wargaysyada, bandhigyada dadweynaha, astaamaha aqoonsiga ardayga iyo daabacaadda ku saabsan bogogga internetka dugsigu ogolyahay
¨ *Lambarka aqoonsiga ardayga, aqoonsiga isticmaalaha, ama aqoonsiga kale ee qofka ee gaarka ah ee uu ardaygu u isticmaalo galitaanka ama in uu xiriir ku sameeyo hanaanada elektoroonigga ah ama lagu muujiyay calaamadda aqoonsiga ardayga
¨ Kaliya siideynta saraakiisha fulinta sharciga: Jadwalka dugsiga, diiwaanka imaanshaha maalinlaha ah iyo magacyada waalidka ama masuulka, ciwaanada iimaylka iyo lambarada taleefanka
¨ Ku sii daynta Maktabadda Degmada Dakota oo keliya: Cinwaanka guriga iyo lambarada taleefanada ee ujeeddooyinka bixinta kaadhka maktabadda.
*Waalidka/masuulka kama hor istaagi karo siidaynta magaca ardayga, aqoonsadaha ama ciwaanka iimaylka degmadu bixisay ee fasalka uu ardaygu kujiro ama kujiro calaamada aqoonsiga ardayga.
Diiditaanka siidaynta WARBIXIN KU SOCOTA CIIDAMADA IYO GOOBAHA WAXBARASHADA SARE
Sida uu qabo Xeerka Minnesota 13.01-13.09, Sharciga Dhaqanada Xogta Dowladda iyo Sharciga Dadweynaha 107-110 (Ma jiro Ilmo Looga Tagay Sharciga 2001), degmadu waa inay u sii deysaa saraakiisha qorista ciidamada iyo goobaha tacliinta sare magacyada, cinwaanada guriga iyo taleefanka, tirada ardayda fasalada 11aad iyo 12aad gudahooda 60 maalmood ka dib taariikhda codsiga, ilaa waalidiinta ama ardaydu diidaan inay sii daayaan macluumaadka.
- DHAMMAAD –
Hubi DHAMMAAN macluumaadka hoos ku taxan ee aadan rabin in la sii daayo:
¨ Cinwaanka guriga ardayga fasalka 11aad ama 12aad iyo lambarka taleefanka (diidmada siidaynta askar qorista oo keliya)
¨ Cinwaanka guriga ardayda fasalka 11aad iyo 12aad iyo lambarka taleefanka (la siinayo diiwangalinta militariga iyo goobaha waxbarashada sare)
Waxaan fahamsanahay in, iyadoo ku xidhan macluumaadka la diiday, ilmahayga (carruurtayda) / aniga (ardayga 18 ama ka weyn) laga yaabo in laga saaro dhukumantiyada sida buugaagta sannadka, liiska abaalmarinta, sii daynta wararka ee ku saabsan guulaha ciyaaraha, shahaado sharafyo la helo, barnaamijyada tartanka ciyaaraha fudud, barnaamijyada masraxa iyo fanka wanaagsan, barnaamijyada qalin-jabinta, waraaqaha dib u midaynta fasalka mustaqbalka, iwm. Waxaan fahmay in diidmadan sii daynta ee hagaha oo macluumaadka buug sanadeedka way sii jiri doontaa ilaa laga bedelayo ama la buriyo codsigeyga qoran ama ilmahayga (caruurtayda) markay gaadhaan da'da 18 ama ka weyn.
Ardayga #1
qor magaca SHARCIGA AH taariikhda dhalashada fasalka dugsiga
cinwaanka sharciga ah xidhiidhka sharciga ah ee ardayga
Ardayga #2
qor magaca SHARCIGA AH taariikhda dhalashada fasalka dugsiga
cinwaanka sharciga ah xidhiidhka sharciga ah ee ardayga
Ardayga #3
qor magaca SHARCIGA AH taariikhda dhalashada fasalka dugsiga
cinwaanka sharciga ah xidhiidhka sharciga ah ee ardayga
Ardayga #4
qor magaca SHARCIGA AH taariikhda dhalashada fasalka dugsiga
cinwaanka sharciga ah xidhiidhka sharciga ah ee ardayga
Macluumaadka Waalidka
Magaca waalidka/masuulka/ama ardayga (18 sano jir ama ka weyn) magaca (fadlan daabac)
Cinwaanka waalidka ama qofka masuulka ka ah (dariiqa, magaalada, koodhka zip-ka)
Saxeexa Taariikhda
Buuxi labada dhinac ee foomkan.
Foomka la buuxiyay u soo celi maamulaha dugsiga ilmahaaga.
Maamulayaasha fadlan foomka asalka ah u soo gudbiya Macluumaadka Ardayga, Xafiiska Degmada.