Adopted: December 1994
Revised: November 2023
Include this procedure with any parent notice of suspension, exclusion, or expulsion.
Download 503.3P Somali - Pupil Fair Dismissal Act (Minnesota Statutes 121A.40 to 121A.56)
Sharciga Cayrinta Ardayga ee Cadaalada ah
Ardaydu waxay xaq u leeyihiin inay helaan waxbarasho dadweyne. Marka iskuulka dadwaynuhu ardayga ka cayriyo iskuulka, iskuulku waa inuu ardayga siiyo sharci marin cadaaladeed. Xuquuq dhowrka sharci marinta cadaaladeed waxaa lagu sifeeyay sharciga Minnesota ee loo yaqaano Pupil Fair Dismissal Act (Sharciga Cayrinta Ardayga ee Cadaalada ah), kaas oo hoos lagu daabacay. Iskuuladu waa inay siiyaan nuqulka Sharciga Cayrinta Ardayga ee Cadaalada ah ardayga iyo waalidka/mas'uulka marka ardayga laga saaro iskuulka.
121A.40 WARQADDA TAGISTA MAXKAMADDA (CITATION).
Qodobada 121A.40 illaa 121A.56 ayaa loo xigsan karaa "Sharciga Cayrinta Ardayga ee Cadaalada ah."
121A.41 QEEXITANNADA (DEFINITIONS).
Qodob hoosaadka 1. Ku Habboonaanta. Sida lagu isticmaalay qaybaha 121A.40 illaa 121A.56, qeexitaanka erayada ku qeexan qaybtaan waxay yeelan macanaha la siiyay.
Qdb.hsdka. 2. Ka Saaridda. "Dismissal" macnaheeda waa diidmada barnaamijyada waxbarshada ee arday kasta la siiyo, ee ay ku jiraan reebitaanka, ceyrinta, iyo laga joojioyo. Kuma ay jirto fasalka oo laga bixiyo.
Qdb.hsdka. 3. Degmada. "District" macnaheeda waa dugsi kasta ee degmada.
Qdb.hsdka. 4. Rebitaanka. "Exclusion" macnaheeda waa tallaabo ay qaadeen maamulka dugsiga ee loga hortagayo isku qoritaanka ama dib isku qoritaanka ardayga muddo aan la dhaafsiin sanad dugsiyeedka.
Qdb.hsdka. 5. Ceyrinta. "Expulsion" macnaheeda waa tallaabo ay qaadeen maamulka dugsiga ee lagu diidayo arday horay ugu qornaa inuu iska soo xaadiriyo muddo gaaraysa illaaiyo 12 bilood laga bilaabo taarikhda ardayga dugsiga laga ceyriyay.
Qdb.hsdka. 6. Waalidka. "Parent" macnahiisu waa (a) hal arday waalidkiisa, (b) marka uu jiro arrin ah furriin ama dalaaq, waalidka ama waalidiinta korsanaya ardayga, ay ku jiraan waalidka maqan balse ka haysta korinta sharciyaysan iyo degmada u gudbiyay cinwaanka uu hadda degganyahay iyo lambarka telefoonka, ama (c) ama qof loo magacaabay inuu ilaaliye yahay. Marka ay jirto xaalad in ardayga uu naafomimo qabo uuna ka yaryahay da’da 18 sano, waalidka waa in lagu daro kaaliye waalid oo degmadu magacawdo.
Qdb.hsdka. 7. Ardayga. (a) "Pupil" macnaheeda waa arday kasta:
(1) aan naafonimo qabin kana yar da’da 21 sano; ama
(2) naafonimo qaba kana yar da’da 22 sano oo aan la siin shahaada rasmiga ee dugsiga sare iyo
(3) in uuu sii qalmo in uu aado dugsi hoose ama dugsi sare.
(b) "Arday naafonimo qaba" ama "dusigley naafonimo qaba" waxay la macna yihiin “canug naafonimo qaba” marka la eego qaybta 125A.02.
Qodb.hsdka. 8. Dugsiga. "School" macnaheeda waa dugsi kasta ee ku qeexan 120A.05, qodob hoosaadyada 9, 11, 13, iyo 17.
Qdb.hsdka. 9. Guddiga Dugsiga. "School board" macnaheeda waa guddiga dugsi kasta ee degmada.
Qdb.hsdka. 10. Ka joojinta. "Suspension" macnaheeda waa tallaabada ay qaadeen guddiga dugsiga, ayadoo la raacayo xeerar ay soo diyaariyeen guddiga dugsiga, kaaso lagu diidayo inuu ardayga dugsiga dhigto muddo aan ka badnayn toban cisho ee maalmaha dugsiga la dhigto. Haddii ka joojintu ay ka badantahay shan cisho guddiga ka joojinta xukumay waa inay maareeyaha siiyaan sababaha kallifay joojinta dheerarka badan. Qeexitaankan laguma dabbaqi karo marka dugsiga laga joojiyo hal maalin dugsiyeed ama ka yar, marka laga reebo waxa uu sharciga federaaliga ka leeyahay arday naafomimada qaba. Tallaabada ka joojinta walba waa in ay dabasocto qorshe dib ugu noqoshada leh. Qorshaha dib u noqoshada waxaa ku jira, halka ay ku habboontahay, helitaanka lagu hirgalinayo adeegyada waxbarashada duwan kaddib marka ay dib u noqoshada dhacdo iyo aan loo isticmaali in lagu dheereeyo ka joojinta hadda jirta. Ayadoo la raacayo qodobka 125A.091, qodob hoosaadka 5, qorshaha dib u noqoshada waalidka laguma qasbayo inuu siiyo daawada “sympathomimetic” ee waalidka canuggiisa ee shuruud looga dhigayo dib u noqoshada. Maamulka dugsiga ma saari karo laba ka joojin oo isku daba xigta isla ardayga ee dhaqan xumada aqlaaqda la xariira, ama aqlaaqdarrada ah, marka laga reebo haddii ardayga uu la imaan karo halis degdegga ee wayn ee uu asaga ama dadka u dhow ama hantida gaarka, ama meesha halka ay degmadu ka bilaabayso ceyrinta, taaso marka sii dheereyn karta ka joojinta oo wadartu ay noqoto 15 cisho ee maalmaha dugsiga la dhigto.
Qdb.hsdka. 11. Adeegyada waxbarashada baddalka ah. "Alternative educational services" ay ku jiri karaan, balse aysan ku koobnayn, waxbarid qaas ah, manhaj wax laga baddalay, baddalaadyo kale ama qabatinyo, waxbarashada lagu kaashanayo warbaahinta eletronikada, adeegyada waxbarashada qaaska sida lagu sheegay qiimaynta ku habboonayd, waxbarashada guriga lagu qaadnayo, darasaadka guriga ee kormeeran, ama isku qorista dugsi kale ama waxbarashada baddalka ah ee xarun waxbarasho ee hoosimaanaysa qodobka 123A.05 doorashada ardayga gaarsiinaysa inuu qanciyo heeraarka qalinjabinta qodobka 120B.02, inkastoo ay ka dhacayso goob kale.
Qayb-hoosaadka 12. Xeerarka anshaxmarinta iyo dhaqamada anshaxmarinta ee aan ka cayrinta aahayn; beddelka ka saarista iyo cayrinta arday. "Xeerarka iyo dhaqamada anshaxmarinta ah ee aan ka saarista ahayn" macneheedu waa xeerka iyo dhaqamada beddelka u ah ka saarida ardayga iskuulka, oo ay ku jiraan laakiin aan ku xaddidnayn caddaynta ku salaysan wax ka dhaqanka wanaagsan iyo taageerada, adeegyada bulshada iyo dareenka, adeegyada caafimaadka dhimirka ee xiriirka la leh iskuulka, adeegyada latalinta, adeegyada shaqada bulshada, baarista akadeemiyadeed ee adeegyada Title 1 ama waxqabadyada akhriska, iyo adeegyada waxbarashada ee kale. Xeerarka iyo dhaqamada anshaxmarinta ah ee aan ka saarista ahayn waxaa ka mid ah laakiin aan ku xaddidnayn) xeerarka iyo dhaqamada hoos yimaada qaybaha 120B.12; 121A.575, faqradaha (1) iyo (2); 121A.031, qodob hoosaadka 4, cutubka (a), faqradda (1); 121A.61, qodob hoosaadka 3, cutubka (r); iyo 122A.627, farqada (3).
Qayb-hoosaadka 13. Heshiiska ka saaritaanka ardayga. "Heshiiska Ka Saarista Ardayga" waxaa loola jeedaa heshiis af ama qoraal ah oo u dhexeeya maamulaha iskuulka ama maamulka degmada iyo waalidka ardayga si looga bixiyo ardayga iskuulka degmada si looga fogaado cayrinta ama dacwadda ka saarida. Muddada heshiiska ka saaritaanku ma noqon karto wax ka badan 12 bilood.
121A.42 NIDAAMKA.
Ma jiro dugsi guud oo u diidi kara hawlsocdsiinta ama difaaca loo simanyahay ee sharciga ee dugsi kasta ee guud oo ardgayga dugsiga kasta ee ku jira dacwadaha ka joojinta taaso sababi karta ceyrin, reebitaan, ama ka saarid.
121A.425 KA QAYBGAL BUUXA OO SINNAAN AH EE DUGSIGA WAXBARASHADA CARRUURNIMADA HORE.
Qayb-hoosaadka 1 Cayrinta anshax-marinta ah waa mamnuuc. (a) Ardayga ku jira kuwan soo socda ma aha in laga saaro sida uu qabo xeerka hoos yimaada:
(1) barnaamijka preschool ama prekindergarten, oo ay ku jiraan waxbarashada caruurnimada hore ee qoyska, u diyaarsanaanta iskuulka, school readiness plus, prekindergarten ikhtiyaari ah, Head Start, ama barnaamij kale oo iskuulka ku salaysan preschool ama prekindergarten ah; ama
(2) (2) kindergarten ilaa fasalka 3.
(b) Qodobkani ma khuseeyo ka cayrinta iskuulka in ka yar hal maalin oo iskuul, marka laga reebo sida lagu sheegay cutubka 125A iyo sharciga federaalka ee ardayga qaadanaya adeegyada waxbarashada gaarka ah.
(c) Qayb-hoosaadkan marka laga yimaado, cayrinta iyo ka saaritaanka waxa la isticmaali karaa oo keliya kadib marka khayraadka/ilaha lagu sheegay qodob-hoosaadka 2 la dhammeeyo, iyo keliya marka ay jiraan xaalado ammaan oo khatar ah oo socota oo ku imanaysa ilmaha ama dadka kale.
Qayb-hoosaadka 2. Anshax marintaa aan cayrinta ahayn Ujeeddooyinka qaybtan, anshax marinta aan cayrinta ahayn waa inay ku jirto ugu yaraan mid ka mid ah kuwan soo socda:
(1) la shaqaynta qoyska ama mas'uulka ardayga, lataliyaha ama bixiyaha daryeelka caafimaadka maskaxda, khabiirka waxbarashada, ama taageerada kale ee bulshada ku salaysan;
(2) abuurista qorshe, lala qoray waalidka ama mas'uulka, kaas oo faahfaahinaya tallaabada iyo taageerada loogu baahanyahay ardaygu in uu si buuxda uga qaybqaato barnaamijyada waxbarashada ee hadda, oo ay ku jiraan iskuulka barbaarinta ama barnaamijka prekindergarten;
(3) Bixinta u gudbinta adeegyada taageerada loo baahanyahay, oo ay ku jiraan barashada waalidnimada, booqashooyinka guriga, waxqabadyada kale ee waxbarashada taageerada ah, ama, marka ay ku habboontahay, qiimayn lagu go'aaminayo in ardaygu u qalmo adeegyada waxbarashada gaarka ah ama adeegyada qaybta 504.
121A.43 REEBITAANKA IYO CEYRINTA ARDAYGA NAAFONIMADA QABA.
(a) Ayadoo la raaacayo sharciyada federaalka ee maamula maalmaha ka saaridda iyo qodobka 121A.46, shaqaalaha dugsiga waxay ka joojin karaan canug naafonimo qaba. Marka canugga naafonimada qaba laga joojiyo muddo ka badan wadar ahaan shan ama toban cisho isku xiga ee maalmaha dugsiga la dhigto ee ka jira isla sand dugsiyeedka, iyo in ceyrinta aysan ku jirin talooyin la xariira ka saarid ama reebitaan ama isbadallo kale ee meelaynta ah sida uu qorayo sharciga federaaliga, xubanaha muhiimka ah ee kooxda canugga barnaamijkiisa waxbarashada qaaska ah, uu ugu yaraan ku jiro mid ka mida canugga barayaahiisa, ay kulan ku yeeshaan meel la isla ogyahay iyo go’aan ka gaaraan illaa iyo heerka canugga uu u baahanyahay adeegyada si uu u sii wato ka qaybqaadashada manhajka waxbarashada, taaso ka dhacaysa goob kale, iyo horumar laga sameeyo qancinta himilooyinka barnaamijka waxabarashada qaaska ah. Kulankaa waa in la qabto sida ugu dhaqsiyo badan, balse usan kor u dhaafin toban cisho wixii ka dambeeya maalin lixaadka ee xarrirka ee ka joojinta ama wadarta maalin tobanaadka ay joojintu dhammatay.
(b) Ka joojinta hal maalin dugsiyeed ama nus maalin ee ka joojinta haddii canugga naafonimada qaba uusan helin daraasadda waxbarshada caadiga ama midda qaaska ah muddada ka joojonta ay jirtay. Shardiyada ogaysiiska ee hoosimaada qodobka 121A.46 wax ka sooqaad ah kuma yeelanayo ka joojinta hal cisho ama ka yar.
(c) Canugga naafonimada qaba waa in la siiyo adeegyada waxbarashada illaa iyo inta ay maalmaha ka joojinta ay kor u dhaafayaan shan cisho isku xigta ee maalmaha dugsiga la dhigto.
(d) kahor inta aan la bilaabin saaridda ama reebitaanka marka la eego waxa hoosimaanaya qodobada 121A.40 illaa 121A.56, degmada, xubanaha muhiimka ah ee kooxda barnaamijka canugga waxbarashadiisa, iyo canugga waalidkiisa waxay samayn doonaan, ayaga oo raacaya sharciga federaaliga, lagu go’aaminayo haddii canugga aqlaaqdiisa ay sababtay ama ay cilaaqaad toos iyo weyn la xariirtay canugga naafonimadiisa iyo haddii canugga aqlaaqdiisa ay tahay wax toos uga yimid cillad ah inaan la hirgalin barnaamijika canugga waxbarashadiisa qaaska ah. Marka canugga naafonimada qaba ee haysta barnaamijka waxbarashada qaaska laga reebo ama laga saaro sida ay qorayaan qodobada 121A.40 illaa 121A.56 sababo aqlaaq darro ah oo aan ahayn wax ka imaanaya canugga nafoonimadiisa, degmada waxay sii wadi doontaa inay sii siiso waxbarshada qaaska iyo adeegyada la xariira muddada lagu jiro reebitaanka ama saaridda.
121A.44 CEYRADA SALKA KU HAYSA HAYSASHADA BASTOOLADDA.
(a) Walow muddada xadiddaadaha ku jirta qodobka 121A.41, qodob hoosaadka 5, gudddiga dugsiga waa inay ceyriyaan muddo ugu yaraan hal sano ah ardayga lagu sheegay inuu bastoolad dugsiga la yimid marka laga reebo in guddiga ay dhici karto inay wax ka baddasho shuruudaha ceyrintaan ayadoo arrin walba gaar ahaannimadeeda loo eegayo. Ujeeddo qaybtaan la xariirta awgeed, bastooladda waa sida ay ugu qeexantahay United States Code, magaca 18, qodobka 921.
(b) Walow cutubka 13aad, ardayga ceyrintiisa ama kala laabashada ama u wareejinta dugsi kaddib marka tallaabo ceyrin lagu bilaabo ardayga jabiyay sharciga hoosimanaya baragaraafka (a) waxaa siidayn kara dugsiga bilaabay dacwadda ceyrinta. Mar haddii siidaynta xogta aan shaaca laga qaadin, xogta waxaa keliya loo siidaynayaa degmada dugsiga keliya marka ay suurtogalayso in ardayga degmada kale laga aqbalo.
121A.45 ASBAABAHA CEYRINTA.
Qodob hoosaadka 1. Helitaanka barnaamij duwan. Iskuulku ma eryi doono arday kasta isaga oo aan isku dayin in uu isticmaalo xeerarka iyo dhaqamada anshaxmarinta ee aan ka saaritaanka ahayn kahor inta aan la qaadin dacwadda eryida ama heshiisyada ka bixinta ardayga kahor inta aan la qaadin dacwadda eryida ama heshiisyada ka bixinta ardayga, marka laga reebo inay caddaato in ardayga uu abuuri karo xaalad halis ah uu isu geysto ama uu u geysto dadka ama hantida u dhow.
Qdb.hsdka. 2. Asbaabaha ceyrinta. Ardayga waxaa la ceyrin karaa marka mid ka mida asbaabaha soo socda uu jiro:
(a) si ula-kac ah loo jabiyo xeer kasta si cagligala uu guddiga dugsiga u soo dejiyay. Xeerka nooca ah waa in uu ahaddo mid cad iyo qeexan kaaso ogaysiis u ah ardada inay aqlaaqdooda ku dhawran shuruudahooda;
(b) si ula-kac lagu dhaqmo taaso dhiibato u geysanaysa xaqa ay dadka kale u leeyihiin inay helaan waxbarasho, ama awoodda ay shaqaalaha dugsiga ku fulinayaan waajibaadkooda, ama hawlo kalo dheeraada ee dugsiga lagu qabanayo; ama
(c) si ula-kac halis u galiyo arday ama ardada kale, ama daadka u dhow, ay ku jiraan shaqaalaha degmada, ama hantida dugsiga.
Qdb.hsdka. 3. Ogaysiinta waalidka iyo kulanka. Haddii wadarta ka saaridda ardayga maalmihiisa ay ka badanyihin iskudarka toban cisho muddo hal sano, dugsiga degmada waxa uu si caqligal ah uu iskudayayaa inuu kulan isugu keeno ardayga iyo ardayga waalidkeeda ama ilaaliyaheeda kahor inta lagu dhaqaaqin in ardayga dugsiga laga saaro iyo, ayadoo la haysto oggolaashada waalidka ama ilaaliyaha, in laysu dayo in canugga baaritaanka dhimirka laga qaado. Degmadu qasab kuma aha inay bixiso kharashka baaritaanka caafimaadka ku baxaya. Ujeeddada kulankaan ayaa ah in laysku dayo in la ogaado ardayga qiimaynta baahidiisa ama adeegyada kale ama haddi waalidka ama ilaaliyaha inuu ardayga qiimeeyo ama ogaado xanuunka haya si lagu ogaado haddii ardayga uu u baahanyahay daawaynta cudurka caafimaadka dhimirka.
121A.46 HAWLFULINNADA KA JOOJINTA.
Qodob hoosaadka 1. Kulanka rasmiga aan ahayn ee maamulka ee ceyritaanka hortiisa. maamulka dugsiga kama uu ceyrin karo dugsiga ayadoon uusan dhicin kulanka aan rasmiga ahayn ee ardayga lala qaadanayo. Kulanka aan rasmiga ahayn waa inuu dhaco ceyritaanka hortiisa, marka laga reebo inay caddaato in ardayga uu abuuri karo xaalad halis ah uu isu geysto ama uu u geysto dadka ama hantida u dhow, marka arrintaa ay jirto kulanka waxaa la qabanaya waqtiga suurtagalka kaddib marka ceyrinta ay dhacdo.
Qdb.hsdka. 2. Maamulka waxaa uu ardayga u sheegayaa asbaabaha ceyrinta. Inta lagu jiro kulanka aan rasmiga ahayn, maamulaha dugsiga ayaa ardayga u sheegi doona asbaabaha keenay ceyrinta, la siiyo sharaxaad waxa dhacay xukumadda ay ka hayso, iyo in ardayga uu dhinaciisa ka sheegto sida ay wax u dhaceen.
Qdb.hsdka. 3. Ogaysiis qoraal ah ee asbaabaha ceyritaanka u jeeda. Ogaysiis qoraal ah oo ay ku jiran asbaabaha ceyrinta, warbixin gaaban ee waxa dhacay, sharaxaadda maragga, qorshaha dib isku qoridda, iyo nuqulka qodobada 121A.40 illaa 121A.56, waxa gacanta laga saaraya ardayga marka ay ceyrinta dhacayso ama kahor, iyo loo sheego ardayga waalidkiisa ama ilaaliyihiisa boostada ugu diraan muddo 48 saacadood ee uu kulanka dhacay. Degmadu waxay ku dadaalaysaa inay waalidka u sheegaan ceyrinta lagu dhawaaqay xag telefoon sida ugu dhaqso badan. Haddii ay dhacdo in arday la ceyriyo ayadoon la qaban kulanka degdegga ah asbaabo la xariira marka ay caddaato in ardayga uu abuuri karo xaalad halis ah uu u geysto dadka ama hantida u dhow, ogaysiiska qoraalka waxaa loo gudbinayaa ardayga ama ardayga waalidkiisa muddo 48 saacadood gudahooda ee ceyrinta ka dambaysa. Adegyada boostada waxay hirgalayaan marka warqadda boostada laga diro.
Qdb.hsdka. 4. Bixinta adeegyada waxbarashada beddelka ah;
(a)Adeegyada waxbarashada ee beddelka ah waa in la siiyo ardayga iskuulka lagajoojiyay in ka badan shan maalmood oo isku xigta.
(b)Walow ay ku jiraan waxyaabaha lagu sheegay qodob hoosaadyada 1 and 3,ardayga waxaa dhici karta in la ceyriyo ayadoo la sugayo go’aanka guddigadugsiga ee dhagaysiga ka saaridda ama ka reebitaanka; haddii ay jirto in lahirgalinayo adeegyada waxbararshada duwan marka ay dhacdo in ceyrinta ay kabadantahay shan maalmo iskuul oo isku xigxiga.
Qayb-hoosaadka 5. Adeegyada waxbarashada ee ugu yar. Maamulka iskuulku waa inuu u ogolaadaa ardayga laga cayriyey fursad uu ku dhammaystiro dhammaan shaqadii iskuulka ee loo xilsaaray muddadii ardayga laga cayriyey iyo inuu helo buundooyin dhammaystiran ku soo dhammaystirka shaqadii loo diray. Maamulaha iskuulka ama qofka kale ee gacanta ku haya maamulka dhismaha iskuulka ama barnaamijka waxa lagu dhiirigelinayaa inay u magacaabaan degmo ama shaqaale iskuulka ah in uu noqdo xiriiriye si ay ula shaqeeyaan macallimiinta ardayga si loogu oggolaado ardayga laga joojiyey/hakiyey iskuulka (1) inuu helo agabka koorsada ee wakhtiga iyo macluumaadka kale, iyo (2) soo dhamaystir shaqada maalinlaha ah iyo todobaadlaha ah oo ay helaan jawaab celinta macalimiinta.
121A.47 HAWLOFULINTA KA SAARIDDA IYO KA REEBITAANKA.
Qodob hoosaadka 1. U bahaan dhagaysi; arday dhagaysiga waa uu baajin karaa. Ma jirto ka saarid ama ka reebid la qasbayo ayadoon dhegaysi dhicin, mar haddii xaqa loo leeyahay dhagaysiga in qoraal uu ku baajiyo ardayga iyo waaalidka ama ilaaliyaha. Tallaabada waxaa bilaabaya guddiga dugsiga ama wakiilkooda.
Qdb.hsdka. 2. Ogaysiiska qoraalka ah. Ogaysiiska qoraal ah ee lagu damacsanyahay in tallaabo la qaado waxaa:
(a) loo gudbinaya ardayga iyo ardayga waalidkiisa ama ilaaliyihiisa ama boostada lagu dirayaa;
(b) ku jira bayaan dhammaystiran ee waxa dhacay, tirada marqaatiyada iyo warbixinta maragfurkooda;
(c) lagu sheegaya taariikhda, waqtiga, iyo goobta uu dhagaysiga ka dhacayo;
(d) la socda nuqulka qodobada 121A.40 illaa 121A.56;
(e) qeexaya habka anshaxmarinta ee aan ka saaritaanka ahayni uu siiyey ardayga si la isugu dayo inuu ka fogaado dacwadda ka cayrinta; iyo
(f) loo sheegayo ardayga iyo waalidka ama illaaliyaha xaqa ay u leeyihiin:
(1) inay yeeshaan wakiil ardayga uu soo doorto, ay ku jiraan qareen, dhagaysiga yimaada. Degmadu waa in ay ardayga waalidkiisa ama ilaaliyihiisa inay heli karaan ilaha caaawimaad qareen ee lacagla’aan ah ama qiimo jaban iyo in magacyada laga helayo Waaxda Waxbarashada;
(2) inay eegaan ardayga xogtiisa inta uusan dhagaysiga dhicin;
(3) inay caddaymaha soo bandhigaan; iyo
(4) su’aalo celin kala hortagaan marqaatiyada.
Qdb.hsdka. 3. Jadwalka dhagaysiga. Dhagaysiga waa in lagu qabto muddo toban cisho gudahood kaddib marka la helo ogaysiiska qoraalka ah waa haddii aan la codsan waqti dheeraad ah, oo aan ka badnayn shan cisho, sababo jira awgood uu sameeyo guddiga dugsiga, ardayga, waalidka ama ilaaliyaha.
Qdb.hsdka. 4. Waqtiga iyo goob ku habboon dhagaysiga. Dhagaysiga waxaa la qaban doonaa waqti iyo goob uu si fudud ku tegi karo ardayga, waalidka ama ilaaliyaha.
Qdb.hsdka. 5. Dhagaysiga xiran ama furanl. Dhagaysiga ma noqonayo mid dadka u furan waa haddii ardayga, waalidka ama ilaaliyaha aysan ka dhigin dhegaysi furan.
Qdb.hsdka. 6. Dhagayste dhexdhexaad ah. Dhagaysiga waxuu ka dhici doonaa meel ay joogaan:
(1) sarkaalka dhagaysiga ee madaxbannaan;
(2) xubin ka tirsan guddiga dugsiga;
(3) koox ka socota guddiga dugsiga;
(4) guddiga dugsiga oo idil; sida ay ku go’aamisay guddiga dugsiga. Dhagaysiga waxaa uu u dhacayaa si xaqsoorid caddalad iyo dhexdhexaad ah.
Qdb.hsdka. 7. Dhisidda xogta dhagaysiga. Guddiga dugsiga waxay dhisi doonaan hawlfuinta dhagaysiga ay kharashkiisa degmada bixinayso, iyo hal dhinac uu helo qoraalka uu jeebkiisa lacag kala baxo. Maragfurka waa dhaar loo maro. Sarkaalka dhagaysiga ama xubin guddiga dugsiga ka socota ayaa awood u yeelanaya inay maxkamadda dad horkeenaan iyo dhaarta la mariyo.
Qdb.hsdka. 8. Helitaanka ardayga xogtiisa. Marka waqti fiican la haysto dhagaysiga hortiis, ardayga, waalidka ama ilaaliyaha, ama wakiil, waxaa fursad loo siinayaa inay eegaan xogta idil ee nidaamdka dugsiga ku jirta ee ardayda qusaysa ay ku jiraan imtixaamo kasta ama warbixinno kuwaaso salka u noqonaya tallaabooyinka lagu taliyay in la qaado.
Qdb.hsdka. 9. Ardayga xaqiisa ku khasbidda maragkaca. Ardayga, waalidka ama ilaaliyaha, ama wakiilka, waxay xaq u yeelan doonaan inay khasbaan imaanshaha shaqaale kasta ee rasmi ah ama wakiilka niaadmka dugsiyada guud ama masuul kasta ama qof kasta ay dhici karto inuu wax ka ogyahay waxna ka sheego waxa tallaabada la qaaday ay ku saleesayntahay, iyo kala hortagaan iyo su’aala ku celiyaan marqaatiyada dhinaca kale u maragfuray nidaamka dugsiyada guud.
Qdb.hsdka. 10. Ardayga xaqiisa daliilka iyo maragkaca. Ardayga, waalidka ama ilaaliyaha, ama wakiilka, waxay xaq u yeelan doonaan inay la yimaadaan wixii daliil ah iyo maragkac ah, ay ku jiraan maragkaca aqoonyahan cilmi nafsiga ama maragkaca waxbarashada.
Qdb.hsdka. 11. Ardayga kuma qasbana inuu maragkaco. Ardayga laguma khasbi karo inuu ka maragkaco hawlfulinnada ceyrinta.
Qdb.hsdka. 12. Dhagaystaha talooyinkiisa ku jeeda daliilka kooban ee dhagaysiga; adeegyada lagu dhammaystiro muddo laba cisho. Talooyinka ka imaanaya sarkaalka dhagaysiga ama xubin guddiga dugsiga ah ama guddiga waxay salaysnaan doontaa oo keliya caddaymaha la horkeenay dhagaysiga iyo inay taasi samayso in guddiga dugsiga iyo loo diro dhinacyada muddo laba cisho marka uu dhagaysiga dhammaado.
Qdb.hsdka. 13. Sababta go’aanka guddiga dugsiga; fursadda laga faalloonayo. Guddiga dugsiga waxay go’aakooda ku salayn doonaan talada uu u soo jeediyo sarkaalka dhagaysiga ama xubin guddiga dugsiga ka socota ama guddiga iyo ay soo gudbiso go’aanka ka dhacay kulanka lagu qabtay muddo shan cisho gudaheeda kaddib marka ay helaan talada. Guddiga dugsiga waxay dhinacyada siin doonaan fursad ay ku horkeenaan xujooyin iyo faalloowyin u jeeda sarkaalka dhagaysiga talooyinkiisa aydoo aysan jirin in dhinacna daliil aan dhagaysiga la horkeenin. Go’aanka uu gaaray guddiga dugsiga waa inuu ku salaysnaado waxa la diiwaangaliyay, waa inuu qoraal ahaado, waana inuu sheego arrimaha dhacay ee aan laga leexan karin ee go’aanku uu ku salaysanyahay watana daliillo ku filan ee dhinacyada u sharaxaya iyo maareyaha waxbarashada asbaabaha iyo sababta go’aanka lagu gaaray.
Qdb.hsdka. 14. Qorshaha ku qorista ama dib u qorista. (a) Agaasime dugsi waa in uu diyaariyo iyo fulin doona qorshaha ku qorista ama dib ugu qorista ee arday kasta ee laga reebay ama laga saaray dugsiga. Qorshaha waa in ay ku jiraan tallaabooyin lagu saxayo ardayga dabcigiisa, ay ku jiri karaan dhammaystirka barnaamij waxbarashada dabciga, kaaso la mid ah qodobka 120B.232, qodob hoosaadka 1, Barashada dareenka bulsheed iyo shucuureed, latalinta, adeegyada shaqalaha bulshada, adeegyada caafimaadka dhimirka, u diridda waxbarashada gaarka ah ama qiimaynta 504, iyo wax ka qabashada tacliimeed ee caddaynta ku salaysan. Qorshaha waa in ay ku jiraan isku dayo macquul ah oo lagu helo ku lug lahaanshaha waalidka habka soo gelitaanka ama dib ugu soo celinta iskuulka, iyo loo baahanyahay ka qaybqaadashada waalidka hawlfulinta ku qoristsa ama dib ugu qorista, iyo ay ku caadayaan waxa ka imaan kara ee ku dhici kara ardayga haddii uusan ardayga toosin dabcigiisa.
(b) Qeexitaanka ceyrinta ee ku xusan qodobka 121A.41, qodob hoosaadka 10, shaqa kuma laha ardayga ka ceyrintiisa dugsiga wax gaaraya ama ka yar hal maalin dugsiyeed, marka laga reebo sida ay ku xusantahay sharciga federaaliga ee ardayga naafonimada qaba. Tallaabada ja joojinta waliba waan in ay la socoto qorshe dib ugu qoris ah. Qorshaha dib ugu qorista waa inuu bixiyo, halka ay ku habboontahay, adeegyada waxbarashada duwan, kaaso loo isticmaali karin illaa iyo inta uu yahay muddada heerka ardayga ceyrintiisa. Ayadoo laa raacin karo qodobka 125A.091, qodob hoosaadka 5, qorshaha dib ugu qorista kuma uu qasbi karo waalidka daawoyinka maanka loo qaato inay ardaygooda siiyaan sababo la xariira dib isku qorista. Shaqaalaha dugsiga diidmada waalidka am ilaaliyaha uma ay qaadan karaan inay oggoladeen maamulka daawoyinka maskaxda dooriya (psychotropic drugs) inay ardaygooda siiyaan amaba in qiimayn xagga caafimaadka dhimirka, baaritaanka ama baaritaan caafimaad ee ardayga ay sabab uga dhigaan, in ardayga loo diido inuu tago fasallada ama uu ka qaybqaato hawlaha dugsiga ka socda, ama asbaab ahaan dacwad ah xadgudubka caruurta, dayaca caruurta ama daawo ama waxbarasho la’aan lagu dayacay.
121A.48 KA BAXSANAANTA SABAB JIRTA.
Jabinta qawaaniinta farsamada ee Pupil Fair Dismissal Act, oo sabab jirta awgeed loo sameyay, ma noqonayso difaac hawlfulinta sida uu sharciga xusayo waa haddii uusan ardayga muujin inaan laga fiirsan go'aanka ku aaddan dambiga.
121A.49 RACFAANKA.
Dhinaca ku jira go’aanka ka reebanaanta ama ka saaridda sida uu xusayo qodobyada 121A.40 illaa 121A.56 waxay racfaan u gudbin karaan maamulaha waxbarashada muddo 21 cisho ee maalmaha dugsiga la joogo tallaabada guddiga dugsiga. Kaddib marka loo soo gudbiyo ogaysiiska racfaanka, degmada waa inay maamulaha iyo waalidka ama ilaaliyaha u gudbiso nuqulka buuxa xogta dhagaysiga muddo shan cisho gudahood ee lagu helay ogaysiiska racfaanka. Dhammaan qorallada uu soo gudbiyaya racfaanlaha waa in loo gudbiyo iyo loo diro jawaabaha muddo toban cisho ee ka dambeeya marka qoraalka la helay. Qoraallada idil ee uu soo gudbiyay racfaansanuhu waa in la gudbiyo iyo loo diro racfaanlaha. Go’aanka guddiga dugsiga waa in lagu hirgaliyo muddada racfaanka lagu jiro loona diro maamulaha.
Marka racfaan lagu jiro sida qodobkaan uu xusayo, maamuluhu waxuu ku raaci karaa go’aanka hay’adda, ay dhici inuu go’aanka dib u dhigo si lagu helo macluumaad dheeraada,ama ay dhici karto inuu kahortago ama uu wax ka baddalo go’aankii hore haddii ay jiraan xuquuq wax ku oola oo codsadaha laga xayuubiyay sababo la xariira in baaritaanka maamulka, waxa lagu saleeyay, dhammaystiryoa, ama go’aannada ay yihiin kuwo:
(1) jabinayo qaanuunnada dastuuriga;
(2) kormareen awoodda uu sharciga u oggolyahay ama awoodda rasmiga ee go’aan looga gaaray degmada dugsiga;
(3) lagu sameeyay si hawlfulin sharcidarra ah, marka laga reebo waxa ku xusan qodobka 121A.48;
(4) lagu sameeyay qalad xagga sharciga;
(5) aan taageero ka haysan caddaymo badan marka la eego xogta idil ee la hordhigay; ama
(6) aan sharciga la raacin ama isbad-baddal ah.
Maareeyaha ama maareeyaha walkiilkiisa ayaa gaaraya go’aanka kama dambaysta ah taaso ku salaysan xogta. Maareeyaha waxa u soo saari idoonaa go’aan muddo 30 cisho gudahood ee maalmaha caadiga kaddib marka uu helo xogta oo idil iyo dhinacyada qoraalladooda ee xaraynta racfaanka. Maareeyaha go’aankiisa waxaa uu noqonayaa kama dambays iyo faraya dhinacyada inay dhowraan kaddib marka ay dhammaato xillliga racfaanka sida ku xusan qodobka 121A.50.
121A.50 KA FIIRSASHADA GARSOORKA.
Go’aanka maareeyaha waxbarashada uu gaaray sida ku xusan qodobbada 121A.40 illaa 121A.56 waa mid dib u eegid garsoor lagu samayn karou sida ku xusan qodobada 14.63 illaa 14.69. go’aanka maareeyaha waxuu yahay mid wali racfaan laga qaadan karo sida ku hoos xusan qodobkaan.
121A.51 WARBIXINTA LA GAARSIINAYO HAY’ADDA.
Guddiga dugsiga waxay warbixinta gaarsiin doonaan tallaabo kasto la qaaday ayadoo la cuskanayo qodobada 121A.40 illaa 121A.56 hay’adda ku habboon, marka uu ardayga ay kormeerayso hay’addaas.
121A.52 CODSIGA AAN KHASAB KU AHAYN ISXAADIRINTA.
Qaanuunada ku xusan qodobka 120A.22, qodob hoosaadka 5, ma saamaynayaan arday kasta muddada lagu jiro ceyrina ayadoo la raacayo qodobbada 121A.40 illaa 121A.56.
121A.53 WARBIXINTA GUDOOMIYAHA WAXBARASHADA.
Qayb-hoosaadka 1 Ka saarida iyo cayrinta; ka bixinta ardayga, weerarrada jir ahaan ah. Si waafaqsan qodob-hoosaadka 2, guddida iskuulku waa inay guddoomiyaha waxbarashada uga soo warbixiyaan iyaga oo adeegsanaya nidaamka warbixinta elegtarooniga ah ee waaxda ka saaritaan ama cayrin kasta iyo gacan qaadka kasta oo arday u geysto shaqaalaha degmada
ardayga, iyo heshiis ka saaritaanka arday kasta 30 maalmood gudahooda laga bilaabo taariikhda dhaqangalka ficilka cayrinta, ka bixinta ardayga ama weerarka. Warbixintan waa inay ku jirto bayaanka anshax marin aan ka saaritaan ahayn, ama cunaqabatayn, wax ka qabasho, ama xallin kale oo lagaga jawaabayo gacan qaadka ardaygu gaystay oo ardayga la siiyey iyo sababta loo siiyey, taariikhda ay dhaqangalayso, iyo muddada ka saaritaanka ama cayrinta ama cunaqabataynta, wax ka qabashada ama xallinta kale. Warbixinta waa inay sidoo kale ku jirto da'da ardayga, heerka fasalka, jinsiga, qowmiyada, iyo xaalada waxbarashada gaarka ah.
Qayb-hoosaadka 2. Warbixinta. (a) Guddida iskuulku waa inay ku daraan lambarada aqoonsiga ardayda ee gobolka ee ardayda ay saamaysay dhammaan cayrinta iyo warbixinada kale ee anshaxa ee ay u baahantahay waaxdu. Waaxdu waa inay sannad walba u soo gudbiso guddoomiyaha xogta la soo koobay ee tirada cayrinta iyo gacan qaadka uu ardaygu u gaysto shaqaalaha degmada iyada oo loo kala dhigayo da' ahaan, heerka fasalka, jinsiga, qowmiyada, iyo xaalada waxbarashada gaarka ah ee ardayda ay saamaysay. Dhammaan cayrinta iyo warbixinnada kale ee anshax-marinta ah waa in lagu soo gudbiyaa nidaamka warbixinta elegtarooniga ah ee waaxda.
(b) Guddoomiyuhu waa in uu isu geeyo xogta degmada ee lagaga soo warbixiyey qaybtan oo uu ku daro xogta la isku daray, oo ay ku jirto xogta la isku daray ee ku saabsan gacan qaadka ardaygu u geysto shaqaalaha degmada, warbixin sannadeedka waxqabadka iskuulka ee hoos timaada qaybta 120B.36.
121A.54 OGAYSIISKA XAQA DIB UGU LAABASHADA.
Markasta oo ardayga uu ku guuldarraysto inuu dugsiga dib ug soo laabto muddo toban cisho gudahood ee maalmaha dugsiga la dhigto kaddib marka uu dhaco ceyrin ama joojin, agaasimaha dugsiga waa inuu ardayga iyo ardayga waalidkiisa ogaysiiyo xagga boostada ardayga xaqiisa isku qorista iyo dib ugu laabashada dugsiga guud.
121A.55 QAANUUNNADA LOO BAHANYAHAY IN LA DEJIYO.
(a) Maareeyha waxbarashada waa inuu hormariyaa xeerar lagu caawinayo guddiga dugsiga. Guddiga dugsi kasta waa inuu dajisto habab iskumida ee wax looga qabanayo ceyrinta iyo samaystaan nidaamyo iyo xeerar qoraal ah ujeeddooyinka ku xusan qodobada 121A.40 illaa waa in lagu daraa xeerarka anshaxmarinta iyo dhaqamada anshaxmarinta ee aan ka cayrinta ahayn si waafaqsan qaybta 121A.41, qayb hoosaadka 12, waana in ay xoogga saaraan ka hortagga cayrinta iyada oo loo marayo goor hore ogaanshaha dhibaatooyinka. Xeerarka waa in loo qaabeeyaa si wax looga qabto dabeecadaha aan habboonayn ee ardaydu inay soo noqnoqdaan.
(b) Xeerarku waa inay aqoonsadaan mas'uuliyadda sii socota ee ka saaran iskuulka waxbarashada ardayga inta lagu jiro xilliga cayrinta.
(c) Iskuulku waxa uu masuul ka yahay hubinta in adeegyada waxbarashada ee beddelka ah la heli karo, haddii ardaygu uu doorto in uu ka faa’iidaysto, waa in ay ku filantahay in ay ardayga u ogolaato in uu horumar sameeyo in uu u sii socdo halbeegyada loo dejiyey qalinjebinta 120B.02 oo laga caawiyo ardayga dib ugu soo celinta si waafaqsan qodobka 121A.46, qodob hoosaadka 5.
(d) Ka saarida iyo ka saarida reebitaanka iyo heshiisyada ka bixinta ardayga sida lagu qeexay qaybta 121A.41, qodob hoosaadka 13:
(1) Ardayga kusii jiraya in uu ka sii diiwaangashanaado degmada ama sugaya diiwaangelinta degmo cusub, mas'uuliyadda sii socota ee degmada waxaa ka mid ah dib u eegista ardayga shaqadiisa iskuulka iyo darajooyinkiisa saddexdii biloodba mar si loo hubiyo in ardaygu ku socdo wadada dib ugu soo celinta ardayda ardayda dhiggiisa ah. Degmada iskuulku waa in ay si joogto ah ula xiriirto waalidka ama mas'uulka ardayga si ay u xaqiijiso in ardaygu dhamaystirayo shaqada loo dhiibay iyada oo loo marayo adeegyada beddelka waxbarashada ah sida lagu qeexay qaybta 121A.41, qodob hoosaadka 11. Adeegyadan ayaa loo baahan yahay ilaa ardaygu iska diiwaangeliyo iskuul kale ama uu ku soo laabto isla iskuulka;
(2) ardayga qaadanaya adeegyada caafimaadka dhimirka ee ku salaysan iskuulka ama iskuulka la xirrira ee degmada dhexdeeda ah sida waafaqsan qodobka 245.4889 wuxuu sii wadaa inuu u qalmo adeegyadaas ilaa ardayga laga diiwaangeliyo degmo cusub; iyo
(3) Degmo iskuulku waa in ay siiso waalidka ama masuulka ardayga macluumaadka ku saabsan helitaanka adeegyada caafimaadka dhimirka, oo ay ku jiraan bixiyayaasha lacag la'aanta ah ama lacag dhimista ah ee bulshada dhexdeeda ka jira. Macluumaadka sidoo kale waa in lagu dhejiyo websaydka degmada ama websaydka iskuulka charter-ka ah.
(e) Meel xarun waxbarasho sida ku xusan qodobka 123A.05 uma diidi karto arday la soo ceeriyaya ama laga reebay inuu dib isugu qoro sababta keliya ay tahay in degmo ay ardayga ceyrisay ama soo saartay. Guddiga waxbarashada ee xarunta waxa dhici karta inay qaanuunka Pupil Fair Dismissal Act ah ay u isticmaalaan inay ardayga ka reebaan ama u baahdaan qorshe isku qoris ah.
(f) Degmo iskuul kasta waa in ay samaysato xeer oo ay uga warbixiso koomishineerka sida ku habboon ee loo isticmaalo saraakiisha nabadda iyo kooxaha xasaradaha si looga saaro ardayda leh barnaamij-waxbarash shakhsiyeed deegaanka iskuulka.
121A.56 KU DHAQANGALINTA
Qodob hoosaadka 1. Diidmada ka soo horjeedda takoorka waa inay ahaato mid la dhaqangaliyay. Qodobada 121A.40 illaa 121A.56 waa in loogu talagalo in wax laga baddalo ama haddii kale ay saameeyaan ama baddala qodobka 363A.13, qodob hoosaadka 2.
Qdb.hsdka. 2. Qaybaha barnaamijka dusiga oo xisaabta loogu darayo. Qodobada 121A.40 illaa 121A.56 waxay saamayn keliya ku yeelaan doonaan barnaamijika dugsiga ee qaadashada maaddooyinka la oggolaaday.