Desktop Schools Popup

Select a School

501.2AR - Somali Admission to School: Age Limitations and Enrollment Options/Alternatives

501.2AR - Somali Admission to School: Age Limitations and Enrollment Options/Alternatives

Adopted: January 1983
Revised: March 2024

Download 501.2AR - Somali Admission to School: Age Limitations and Enrollment Options/Alternatives

1.   Xaddidaadaha Da’da – Xaddidaadaha da’da ee ardayda dugsiga ka dhiganaysa Degmada 196 waxay waafaqsanaan doonaan Xeerka Minnesota 120A.20, Ka qorista dugsiga dadweynaha.

1.1  Ardayga iska diiwaangelinayo dugsiga barbaarinta waa in uu shan sano jiraa Sibteembar 1 ee sanad dugsiyeedka uu rabo ama ay rabto in la diiwaangeliyo.

1.2  Ardayga iska diiwaangelinayo fasalka koowaad waa inuu soo dhammeeyay dugsiga barbaarinta ama uu lix sano jiraa Sibteembar 1 ee sanad dugsiyeedka uu rabo ama ay rabto in la diiwaangeliyo.

1.3  Ardayga waxbarashada caadiga ah ee doonaya in laga diiwaangeliyo barnaamijyada dugsiga sare waa in uu ka yar yahay da’da 21 sano maalinta ugu horraysa ee uu xaadirayo ardaygu.

1.4  Ardayga waxbarashada caadiga ah ee noqda 21 sano jir diiwaangelinta kadib wuxuu uqalmaa sii socoshada diiwaangelinta dugsiga dadweynaha ee bilaashka ah ilaa ugu yaraan mid ka mid ah kuwan soo socda ay dhacdo: 1-da Sibteembar ee ugu horreysa ka dib dhalashadii 21aad ee ardayga; dhammeystirka ardayga ee shuruudaha qalinjabinta; ka bixidda ardayga iyadoo aanay jirin diiwaangelin ku xigto 21 maalmood gudahood; dhammaadka sanad dugsiyeedka; ama xaalada ardayga naafada ah sida lagu qeexay Xeerka Minnesota 125A.02, dhalashada 22aad ee ardayga.

1.5  Si waafqsan Xeerka Minnesota 125A.03, Waxbarista Gaarka ah ee Carruurta Naafada ah, carruurta naafada ah ee lagu aqoonsaday hannaanka waxbarashada ubadka waxaa laga diiwaangelin karaa waxbarista gaarka ah iyo adeegyada laga bilaabo dhalashada ilaa ardayga uu jirsado 22 sano laakiin waa in ay dhaafin dugsiga sare ama wax u dhigma marka laga reebo sida uu dhigayo Xeerka Minnesota 124D.68, qeyb-hoosaadda 2.

2.  Gelitaanka Hore ee Dugsiga Barbaarinta – Meelaha laga soo reebayo gelitaanka hore ee qeybta 1.1 ee kor ku xusan waxaa loo tixgelin doonaa carruurta shan sano jirsanaysa Sibteembar 2 – Oktoobar 31.

2.1  Waalidiinta ama mas’uuliyiinta codsanaya qiimeynta gelitaanka hore ee ilmahooda waa in ay dhammeystiraan oo waxyaabaha soo socdo ay u gudbiyaan Agaasimaha Waxbarashada Dugsiga Hoose inta u dhaxaysa Janaayo 1 iyo May 31 ee sanadka ay rabaan canugooda inuu bilaabo dugsiga barbaarinta:

2.1.1 Procedure 501.2.2P,, Codsiga Tixgelinta Gelitaanka Hore ee Dugsiga Barbaarinta;

2.1.2  Koobiga diiwaan xaqiijinaya da’da iyo magaca canugga. Diiwaanada la aqbali karo waxaa ka mid noqon kara, baasaboor, diiwaanka dhalashada isbitaalka ama shahaadada dhakhtarka, shahaadada baabtiiska kaniisadda ama diineed, diiwaanka korsashada, diiwaanada caafimaadka, diiwaanada tallaalka, diiwaanada socdaalka, diiwaanada iskuulka ee horey loo xaqiijiyay, diiwaanada baaritaanka carruurta yaryar, diiwaanada Xiriirka Macluumaadka Tallaalka ee Minnesota, ama dhaarta waalidka si loo xaqiijiyo taariikhda dhalashada iyo magaca sharciga ah.

2.1.3 Khidmada $200 ah ee aan la celin karin.

2.2  Kadib marka la helo waraaqaha iyo lacagta, waalidka ama qofka mas’uulka ka ah canuga ayaa lala xiriiri doonaa si loo muddeeyo in qiimeyn la sameeyo bisha Juun. Qiimeyntu waxa ay canugga ka qiimeyn doontaa dhinacyada garaadka, bulshonimada iyo shucuurta si ay gacan uga gaysato go’aaminta awoodda canugu u leeyahay inuu buuxiyo filashooyinka dugsiga barbaarinta una gudbo fasalka koowaad ee sanadka xiga. Qiimeynada oo dhan waxaa lagu dhammeystirayaa Juun 30.

2.3  Waalidka ama qofka mas’uulka ka ah canugga waa in uu gudbiyaa warbixin waalid oo dhammeystiran warbixinta indho-indhaynta macalinka ee dugsiga xannaanada (haddii ay khusayso) ee aqoonta, xirfadaha iyo awoodaha canugga ee wakhtiga qiimaynta cilmi-nafsiga.

2.4     Deeqaha khidmadda $200 ayaa loo heli karaa waalidiinta codsada una qalma dheefaha waxbarashada. La xiriir Waaxda Waxbarashada Dugsiga Hoose ama Adeegyada Nafaqada si aad u ogaato sida loo codsado dheefaha waxbarashada.

2.5     Canugu waa in uu keenaa ama ka sarreeyaa boqolkiiba 95aad ee qiimeynta cilmi-nafsiga sida Wechsler Preschool iyo Cabbirada Dugsiga Hoose ee Garaadka si loogu tixgeliyo gelitaanka hore. Ogaysiinta aqbalaada ama diidmada gelitaanka hore ee dugsiga barbaarinta waxaa boosto loogu diri doonaa waalidka/qofka masuulka ka ah canugga kadib qiimeynta.

3. Soo Xaadiritaanka Dugsiga ee Qasabka ah – Dhammaan ardayda waxaa maamuli doona Xeerka Minnesota 120A.22, Waxbarista qasabka ah (ka eeg Xeerka Maamulka 503.2.1AR, Goo-goyska iskuulka) kaas oo sheegaya in carruurta da’doodu u dhaxayso 7 ilaa 17 sano ay tahay inay helaan waxbarasho ilaa canugu qalin-jabiyo. Intaa waxaa dheer, canug kasta oo ka yar da’da toddobo sano oo ka diiwaangashan barnaamij dugsiga barbaarinta ah waa inuu qaataa waxbarashada.

4.  Xulashooyinka Diiwaangelinta, 18-20 Sano Jirrada

4.1 Kahor diiwaangelinta ardayda jirta 18-20 sano, lataliyayaasha waa inay:

4.1.1  Qiimeeyaan diiwaanada waxbarasho ee ardayga;

4.1.2   Qiimeeyaan buundooyinka ardayga ee xagga qalin-jabinta marka la barbardhigo sannadaha dhiman ee u-qalmitaanka ardayga ee waxbarashada dawliga ah ee bilaashka ah sida ku xusan 1.4 ee sare, iyo

4.1.3   Qiimeeyaan qodobada wax u dhimi kara dhammeystirka shuruudaha qalin-jabinta ee dugsiga sare sida aqoonta luqadda Ingiriisiga, baahida loo qabo shaqaaleysiinta, mas’uuliyadda qoyska, iwm.

4.1.4   Haddii ardayga uu awoodi waayo inuu buuxiyo shuruudaha qalin-jabinta inta lagu jiro wakhtiga lagu sheegay 1.4 ee sare, ardayga waa in lagala taliyaa ikhtiyaarada kale ee waxbarasho sida qaar ka mid ah barnaamijyada farsamada gacanta ee dugsiga sare kadib, dhibloomada Horumarinta Waxbarashada Guud (GED) iyo waxbarashada aasaasiga ah ee dadka waaweyn (ABE).

4.3   Marka uu dhammeeyo taxanaha 4.1, ardayga waa in la siiyaa xulashada inuu iska diiwaangeliyo Degmada 196 ama raadsado ikhtiyaarada kale.

Tixraacyada:

  • Xeerka Minnesota 120A.20, Ka qorista dugsiga dadweynaha (Minnesota Statute 120A.20, Admission to public school)
  • Xeerka Minnesota 120A.22, Waxbarista qasabka ah (Minnesota Statute 120A.22, Compulsory instruction)       
  • Xeerka Minnesota 124D.02, Awoodaha guddiga dugsiga; diiwaangelinta (Minnesota Statute 124D.02, School board powers; enrollment)
  • Xeerka Minnesota 124D.68, barnaamijka dhiirigelinta qalinjabinta (Minnesota Statute 124D.68, Graduation incentives program)
  • Xeerka Minnesota 125A.03, Waxbarista gaarka ah ee carruurta naafada ah (Minnesota Statute 125A.03, Special instruction for children with a disability)